Image
Couple holding child outside

Barnaamijka Amaahda Guri IIbsadayaasha ah Jiilka Koowaad

Laga bilaabo 19-ka Diseembar 2024, lacagihii hal-mar ahaa way dhammaadeen. Ma awoodno inaan aqbalno heshiisyo cusub oo ku saabsan Amaahda Guriga ee Jiilka Koowaad. Haddii aadan awoodin inaad ka faa'iidaysato Amaahda Guriga ee Jiilka Koowaad, waxaa jiri kara barnaamijyo kale oo taageera lacagaha qadimaad (downpayment) oo la heli karo. Si aad u sahamiso ilo dheeraad ah ee DPA ee la helo karo, eeg barnaamijyadeena kale ee lahaanshaha guriga (check out our other homeownership programs) iyo bogga Xarunta Lahaanshaha Guriga Minnesota (Minnesota Homeownership Center website.)  Waxaa kaloo jira dhowr barnaamij oo loogu talagalay jiilka koowaad guryo iibsanaya sida Sanduuqa Taageerada lacagaha qadimaadda ee Bulshada Jiilka Koowaad First-Generation Homebuyers Community Down Payment Assistance Fund.
 

Natiijooyinka Barnaamijka

Halkan waxaa ku yaal sawir kooban oo muujinaya natiijooyinka hore ee barnaamijka. Fadlan eeg First-Generation Homebuyer Loan Program Recap (Soo koobid Barnaamijka) si aad u hesho xog ballaaran.
 

Image
82% Milkiilayaasha guryaha cusub ee ka tirsan bulshada Madaw, Asal ahaan u dhashay (Indigenous), iyo Dadka Midabka leh (BIPOC).
Image
$49,278,979 Wadarta amaahda  la xidhay ($)
Image
$34,440 Celceliska qadarka amaahda
Image
79% Dadka markii ugu horreysay amaahda qaatay ayaa sidoo kale markoodii labaad helay amaahda gacan-siinta dhigaalka ee Minnesota Housing (DPA), iyadoo celceliska qadarka amaahdu ahaa $16,570

This webpage was translated from English as a convenience to people with limited English skills. We try to provide accurate translations, but slight differences may exist. If there is a difference between the English version and a version in another language, the English version is the official one.

Marka loo fiiriyo  xiriirta barnaamijyada amaahda Waaxda Qoyska, Minnesota Housing ma sameyso mana abaabusho amaahda. Ma aha uuburaha amaahda mana aha amaah-bixiye, mana la xiriiro amaah-bixiye kasta. Shuruudaha wax kala iibsiga maaliyadeed ee la xiriira barnaamijyadan, oo ay ku jiraan macluumaadka muhiimka ah sida khidmadaha amaahda, boqolkiiba sanadlaha ah (APR), shuruudaha dib-u-bixinta, shaacinta, iyo waxyaabaha kale ee looga baahan yahay in la siiyo macaamilka waa mas'uuliyadda amaah-bixiyaha.